WARARKA SOOMAALI

Gaarad Jaamac “DF raali ayey ka tahay Duqeynta Somaliland ka wado Laascaanood”

By xuseen waashitoon

July 12, 2023

Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka hadlaayay xaflad ka dhacday magaalada Nairobi ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya u jeediyay eedeyn la xiriirta dagaalka bilooyinkii lasoo dhaafay ka socday magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Garaad Jaamac oo kamid ah Garaadada SSC ayaa dowladda Federaalka ku eedeeyay inay Maamulka Somaliland garab ku siinayso duqeymaha ay ka geystaan magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, taasi oo sababta khasaaro nafeed.

Waxa uu Garaadka tilmaamay in Madaxda dowladda raali ka yihiin duqeynta Laascaanood, isagoona si gaar ah u tilmaamay Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh  Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

“Xukuumadda maanta jirta, afka ka dhowri mayno, waxaan ognahay oo isa soo taraya in iyadu garab ku siinayso Somaliland duqeynta Laascaanood,” ayuu yiri Garaadka.

Dowladda federaalka ah weli kama jawaabin eedeynta loo jeediyay. Horey se, waxay dhowr mar ugu baaqday wada-hadal iyo xabad-joojin, iyada oo madaxweyne Xasan Sheekh kula kulmay Muqdisho qaar ka mid ah odeyaasha dhaqanka Sool.

Si kastaba, Hadalkan kasoo yeeray Garaad Jaamac ayaa kusoo aadaya xilli wasiirka arrimaha gudaha maamulka Somaliland dhawaan uu shaaciyay in dowladda federaalka Soomaaliya aysan qeyb ka aheyn dadka kula dagaallamaya Laascaanood.