WARARKA SOOMAALI

Gaalkacayo:-Nimankii Kufsaday sida xuna u dilay Marxuumad Caasha yar oo Garoowe la keenay

By Abdi rashid

April 20, 2019

Garoowe (HM) Maamulka Puntland ayaa xalay saqdii dhexe magaalada Garoowe waxa ay soo gaadhsiiyay shan kamid ah dadkii ku lugtaa kiiskii kufsiga iyo dilka ahaa ee loo geystay Caa’isha Ilyaas Aadan oo ahayd Gabadh 12-sano jir ah oo lagu dilay markii la kufsaday magaalada Gaalkacyo.

Sarkaal katirsan laamaha amniga ayaa xaqiijiyay in Raggaani ay ku jiraan kuwo iskudayay inay baxsadaan oo ugu dambayn lagu guulaystay in gacanta lagusoo dhigo.

Ma jirto cid hadda ka maqan gacanta Maamulka oo ku lug lahayd kiiska Caa’isha, ayuu inoo sheegay sarkaalka.

Ragga hadda loo hayo kiiska Caa’isha oo dhan 7 rag ah ayaa waxay isugu jiraan kuwo kiisku ku cad yahay iyo qaar kaloo loo haysto inay ku lug leeyihiin oo uu weli baadhitaan ku socdo.

Eedeysanayaasha ayaa maxkamada lasoo taagidoonaa todobaadkaan soo socdo, sida ay maxkamadu sheegtay.

Dad badan iyo Ehelada Caasha ilyaas ayaa Puntland ugu baaqay in Tallaabo laga Qaado dadkii dhibkaasi gaystay, Islamarkaana Caddalada la horkeeno.