WARARKA SOOMAALI

GAALKACAYO:-Masuuliyiin Caan ah oo Qarax lagu dilay, Wararkii u dambeeyay-Akhriso

By Abdi rashid

April 28, 2018

 Magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa ka dhacay qarax uu fuliyay qof isku soo xiray waxyabaaha qarxa sida ay noo xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah , wararka ayaana intaas ku daraya in khasaaraha ka dhashay qaraxaan uu isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxaan ayaa ka dhacay halka lagu magacaabo Jiire Cabdilaahi Yuusuf waxaana lala beegsaday taliyaha ciidanka isku dhafka gobolka mudug, siday xaqiijeen weriyayaal ku sugan halka uu qaraxu ka dhacay waxaa weerarkaas ku dhintay taliyihii ciidanka isku dhafka ah Col. Cabdixakiin Cabdullaahi Xoreeye iyo weliba Cabdiqani Axmed Geyre iyo Fu’aad faratol oo ka mid ahaa saraakiisha ciidamada isku dhafka oo ay maamusho dawlada federaalka ah ee soomaaliya.

Ma jirto cid sheegatay werarkaan dawladuna weli kama aysan hadlin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, wixii warar ah ee ka soo kordha qaraxaan waxaan idiin ku soo gudbin doonaa wararkeena kale.