Site icon HORUFADHI MEDIA |

Farmaajo oo ugu danbayn Xalay ku hoyday Dubai,ma qaadi doonaa Wadadii ay qaadeen Cabdiweli Gaas iyo Siilanyo?

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay gaaray magaalada Abu Dhabi ee dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, kaddib casuumaad uu ka helay Mas’uuliyiinta Imaarada.

 

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Abu Dhabi ku soo dhoweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Imaaraadka Carabta.

Booqashada Madaxweynaha oo aan wax faah faahin laga bixin ayaa wararku sheegayaan inuu la xiriiro arrimo quseeya xiriirka labada dal.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu la kulmo Dhaxal sugaha Abu Dhabi, ahna Abaanduulaha Ciidamada qalabka sida ee dowladda Isu tagga Imaaraadka Carabta Sheekh Mohamed bin Zayed Al Nahyan iyo Mas’uuliyiin kale.

Waxaa lagu wadaa inay ka wada hadlaan arrinta ku saabsan Saldhiga Imaaraadka Carabta ka dhisanayo Berbera, kaasoo horay dowladda Federaalka uga soo horjeesatay.

Xiriirka diblomaasiyadeed ee dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa bilihii la soo dhaafay mugdi ku yimid, iyadoo Imaaraadka ay u yeeratay Safiirkeedii u joogay Muqdisho, kaddib markii dowladda Federaalka ay si kulul u cambaareysay tallaabada Imaaraadka Carabta ay saldhiga milateri kaga dhisaneyso Berbera.

Sacuudiga ayaa la sheegayaa inuu ka qeyb qaadanayo dhex dhexaadinta labada dal, kaddib codsi uu horay ugu jeediyay Madaxweyne Farmaajo, kaasoo ahaa inay ka laabato saldhiga milateri ay ka dhisaneyso Berbera.

Exit mobile version