HORUFADHI MEDIA |

Farmaajo iyo Khayre oo maanta sababo amni darteed aan uga qayb galin xuska xasuuqii Zoobe.

Muqdisho (HM)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre oo labadaba lagu wado in midkood uu ka qeyb galo munaasabadda 14 October oo ku beegan maanta oo kale qaraxii weynaa ee ka dhacay Isgoyska Zoobe, kaasoo ay ku dhinteen boqolaal ruux, kuwa kalena ku dhaawacmeen, isla markaana hanti badan ku burburtay.

Ilo kala duwan oo ku saabsan laamaha Amniga ayaa sheegaya in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha arrimo amni darteed uga baaqdeen ka qeyb galka munaasabaddaas oo la filayay inay saaka ubax dhigaan goobtii loo asteeyay taalada 14 October.

Ciidamada Ammaanka ayaa saaka aroortii hore xiray waddooyin badan oo ka mid ah Caasimadda, iyadoo dadweynaha ay lug ku tageen taalada 14 October, si ay ugu xusuustaan, uguna duceeyaan dadkii faraha badnaa ee ku dhintay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ahaa Mas’uulka kaliya ee tagay goobtaas, kulana hadlayay dadweynihii isugu soo uruuray taalada Isgoyska 14 October ee Ex Zoobe.

Hase ahaatee taalada laga taagay bartamaha Isgoyska ayaa lagu soo bandhigay labo gaari oo ku xardhan yihiin sawirka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo ah iyagoo dhiig bixinaya labo sano ka hor, waxaana dad badan arrintan ku tilmaameen mid olole siyaasadeed, isla markaana  Guddoomiyihii hore G/Banaadir Taabit Cabdi oo ahaa ninkii u horeeyay ee dhiig bixiya kaalin weyn kulahaa gurmadka maalintaas aan mudnaantaas la siinin.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay ugu eedeysay Al-Shabaab inay ka dambeysay qaraxaas waxyeelada baaxada leh geystay, hase ahaatee Al-Shabaab kama aysan hadlin, iyagoo ka gaabsaday, waxaana saraakiil dhanka ammaanka ay sheegeen in bartilmaameedka weerarkaas uu ahaa xerada weyn ee Xalane.

 
Exit mobile version