WARARKA SOOMAALI

Farmaajo “Guusha aan ku faanayno ma laha qof kaliya ee waa guul Soomaaliyeed”

By xuseen waashitoon

June 11, 2022

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay doorashooyinkii ka dhacay dalka Soomaaliya gaar ahaan tan Madaxtinimo ee uu uga adkaayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Farmaajo oo Qoraal kusoo qoray bartiisa rasmiga ah ee Facebook ayaa waxaa uu ku sheegay in dowladdo Soomaaliya ka facweyn oo dimoqraadi ah ay natiijada doorashooyinkooda mararka qaarkood hareeyaan muran iyo khilaafaad.

Guusha laga gaaray doorashooyinkii dhacay ayuu Farmaajo tilmaamay in uusan qof kaliya laheyn, balse ay tahay guud Soomaaliyeed marka laga eego sawirka guud, isla markaana ay sare u qaaday sumcada dowladnimo iyo tan ummadda Soomaaliyeed.

“Waxaan ognahay in dowlado institutions-koodu adag yahay oo naga fac wayn, dimoqraadi ah ay natiijada doorashooyinkooda mararka qaarkood hareeyaan muran iyo khilaafaad, guusha aan maanta ku faanayno ma laha qof kaliya, waa guul Soomaaliyeed marka laga eego sawirka guud, waa guul sumcadeenna dowladnimo, dalka iyo ummadda Soomaaliyeed  sare u qaadday.” ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweyne hore Farmaajo ayaa sheegay in dalka hadda leeyahay dowlad la doortay oo shaqeeneysa, waxa uuna xusay in qori isku dhiinbka ama isbadalka dalka ka dhaca ay tahay dhaqan iyo sunno wanaagsan sida uu tilmaamay.

”Dalka wuxuu leeyahay dowlad shaqayneysa iyo hoggaan la doortay oo sharciyad buuxda leh oo na matasha. Qof walba oo talada qabta wakhti ayuu leeyahay,  laakiin waxaan ka baranay qori-isu-dhiibku inay tahay dhaqan iyo sunno wanaagsan oo aan dimoqraadiyaddeenna ku horumarinayno.” ayuu yiri kusoo gaba-gabeeyay Qoraalkiisa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.