WARARKA SOOMAALI

Faah faahin: Xildhibaanad ka tirsaneyd Maamulka Soomaali Galbeed oo la dilay

By xuseen waashitoon

October 25, 2022

Alle u naxadiistee waxaa galabta Magaalada Jigjiga ee Xarunta Maamulka Soomaali Galbeed ku geeriyootay Xildhibaan Juweyriya  Subcis oo ka tirsanayd Baarlamaanka Maamulka Soomaalida.

Geerida Xildhibaannada ayaa timid kagadaal markii is rasaaseyn ay ka dhacday Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Jigjiga ee Garaad Wiil Waal, xilli halkaa ay ku suganayd.

Rasaasta oo uu riday askari ka mid ah ilaalada Garoonka ayaa sababtay dhaawaca shan qof oo kale, sida ay kusoo warrameen dad goobjoogayaal ah.

Xildhibaan Juweyriya ayaa la sheegay in ay ka shaqeyn jirtay howlaha gargaarka iyo u gar gaaridda Dadka Tabaalaysan.