WARARKA SOOMAALI

Faah faahin: Taliyihii Nabadsugida Gedo Bakaal Kooke oo saaka Qarax lagu dilay

By xuseen waashitoon

December 09, 2022

Taliyihii Nabadsugida ee NISA ee Gobolka Gedo Cadiraxmaan Cabdullaahi Aadan oo loo yaqaanay Bakaal Kooke ayaa waxaa waaberigii hore ee saaka oo Jimco ah lala beegsaday qarax xooggan oo uu noociisu ahaa miino dhulka lagu aasay.

Taliye Bakaal Kooke ayaa waxaa xilligii la qarxinayey uu kusii jeeday degmada Doolow ee Gobolka Gedo, waxaana qaraxa oo ahaa mid culus uu haleelay gaari ciidan uu watay Taliyihii Nabadsugida ee Gobolkaas oo siweyn looga yaqaanay.

Sidoo kale qaraxa ayaa waxaa ka dhashay khasaaro kale oo isugu jiray dhimasho iyo dhaawac oo soo saaray Askar Ciidan oo la socotay Bakaal Kooke, iyadoona weerarka kadib uu dhacay dagaal dhexmaray Ciidanka dowladda Federaalka iyo Al-shabaab.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dadka waxyeelada kasoo gaartay qaraxii dhacay uu kamid yahay Taliyihii hore ee Nabadsugida magaalooyinka Beledxaawo iyo Dooloow C/llaahi Kiniini, kaasi oo dhaawacmay.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkan, waxaa ay tilmaameen in weerarka ay ku furteen hub, iyagoo intaas kusii daray in mudo ay ku raad joogeen saraakiishan ay beegsadeen.