WARARKA SOOMAALI

Qarax dad badan ku dhinteen oo ka dhacay duleedka Muqdisho.

By Abdi rashid

May 31, 2020

Muqdisho (HM)-Qarax miino oo sababay dhimasho badan ayaa ka dhacay deegaanka Xaawa Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho ee xarunta dalka, Qaraxa ayaa waxaa uu haleelay gaadhi dad shacab ah ay saarnaayeen.

Sida wararku sheegayaan gaadhigan oo ahaa nooca Soomaalida u taqaano Hoomey ayaa ka yimid dhanka degmada afgooye, waxaana uu qarax ku qabsadan agagaarka Isbitaalka Xaawo Cabdi ee duleedka waqooyi ee Muqdisho.

Wararka hordhaca ee ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxa ayaa sheegaya in 10 ruux ay ku geeriyoodeen, kuwaasoo ka mid ahaa rakaabkii gaadhiga saarnaa.

Wararka ayaa intaa ku daraya inta badan dadka ku dhintay qaraxa ay ahaayeen Ganacsatada khudaarta oo ka yimid degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka deegaanka Ceelasha Biyaha iyo Ciidamo Boolis ah ayaa gaadhay goobta ay wax ka dhaceen.

Ma ahan markii u horreeysay ee qarax miino ay la kacdo gaadiid ay dad shacab saaran yihiin, wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ka dhacay qaraxyo miino oo la kacday gaadiid dad shacab ah ay saarnaayeen.