WARARKA SOOMAALI

Faah faahin kasoo baxeysa Ganacsato lagu laayay Shabeellaha Dhexe

By xuseen waashitoon

October 11, 2023

Rag hubeysan oo maleeshiyo beeleed ah ayaa xalay rag Ganacsato ahaa ku dilay duleedka magaalo xeebeedka Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle, waxaana falkaasi laga helayaa faah faahino dheeraad ah.

Dad la hadlay warbaahinta gudaha ayaa u sheegay in maleeshiyaadka hubeysnaa ay dadkaasi ku dileen inta u dhexeysa deegaanada Labagaras iyo Ceel Muluq ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib markii ay ku qaadeen weerar loo adeegsaday qori AK-47.

Ganacsatada nafta la dhaafiyay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Axmed Abuukar Aw-Cumar, Cali Muxyidiin Cali iyo Maxamed Cali Maxamuud, waxaana dhammaantood loo dilay arrimo la xiriira aano qabiil

Sidoo kale maleeshiyaadka hubeysan ee dilka gaystay ayaa lagu soo warramayaa inay goobta isaga baxsadeen, waxaana haatan socda howlgallo ay wadaan ciidanka amniga oo ay ku raadinayaan raggii ka danbeeyay falkaasi khaarijinta ahaa.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka HirShabelle, kan degmada Cadale iyo saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan falkaasi argagaxa leh.