WARARKA SOOMAALI

Faah faahin kasoo baxeysa Al-shabaab oo weerar Gaadmo ku qaaday Ciidamo ku sugnaa..

By xuseen waashitoon

October 25, 2021

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Jubbaland iyo dagaalamayaasha Al-shabaab oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo.

Dagaalkan oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu labada dhinac ku dhexmaray Bar-koontorool oo Ciidanka Jubbaland ku leeyihin duleedka Kismaayo, waxaana dagaalkaas uu yimid, kadib markii xubno ka tirsan Al-shabaab weerar ku qaadeen halkaas.

Dad la hadlay warbaahinta gudaha ayaa waxaa ay u sheegeen in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay dagaalka, in kastoo aysan xaqiijin kari inta uu la egyahay.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan.in dagaalka uu hal askari ki dhaawacmay, sidoo kale ay uu ku burburay Gaaei booyad ah oo ay leeyihiin Ciidanka Kubbaland, isla markaana yallay Xerada la weeraray.

Ciidanka daraawiishta Maamulka Jubbaland ayaa howlgalo kala duwan oo lagu xaqiijinayo amniga saaka ka wada duleedka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose , kadib markii Al-shabaab ku qaadeen Bar Koontarool oo ay leeyihiin Ciidankaas.