WARARKA SOOMAALI

Faah faahin: Guddoomiye lagu dilay xaafad ka tirsan Muqdisho

By Xuseen Post

June 04, 2021

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa habeenkii xalay Magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafad ka tirsan degmada Hodan ku dilay Guddoomiye Waaxeed ka tirsnaa degmadaas, waxaana kasoo baxaya faah faahino.

Dad gobjoogayaal ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in rag dhalinyaro ah ay toogteen Guddoomiyihii Waax ka tirsan degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, isla markaana uu u dhintay xabbado looga dhuftay qeybaha sare ee jirka.

Raggii ka dambeeyay dilkaas khaarinta ahaa ayaa goobta si deg deg ah ugu baxsaday Luuq yar oo halkaas ku yaalla, waxaana sida caadada aheyd tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka oo howlgal sameeyay.

Guddoomiye Waaxeedka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cismaan Dheere, isagoona la shaqeynayay maamulka degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, waxaana loo maleynayaan inay toogteen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan oo geystaan rag dhalinyaro ah oo wata Bastoolado, kana tirsan Maleeshiyaadka Al-shabaab, waxaana dhawaan Sarkaal ka tirsan dowladda lagu dilay degmada Yaaqshiid ee Gobolka.