WARARKA SOOMAALI

Faah faahin: Dhallinyaro qoraneysay Askarnimo oo lagu weeraray Muqdisho

By xuseen waashitoon

December 14, 2022

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar khasaaro dhaliyey oo Maanta lagu qaaday Isbitaalka Ciidanka xoogga oo ku yaalla degmada Hodan ee Gobolkaan Banaadir, waxaana xilligaas la socotay qorista dhallinyaro dooneysay inay ku biiraan ciidamada.

Weerarka ayaa waxaa loo adeegsaday laba Bam gacmeed oo lagu tuuray gudaha Isbitaalka, isla markaana waxaa ay ku dhaceen goobta ay ka socotay qorista dhallinyaro farabadan oo doonayay inay kamid noqdaan ciidanka xoogga ee dowladda Soomaaliya.

Khasaaro dhaawacyo ah ayaa ka dhashay weerarka, waxaana la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen illaa 9 xubnood oo isugu jiray Askar iyo dhallinyarada, dhaawacyada ayaa durbadii loola cararay Isbitaalka Muqdisho, si xaaladooda loogu dabiibo.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay kusoo warrameen in jugta qaraxyada kadib la maqlay rasaas xooggan oo ay fureen Askar ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka oo ku sugnaa meel ku dhow Isbitaalka xoogga ee degmada Hodan ee Muqdisho.

Al-shabaab ayaa hordhiyey muddooyinkii dambe weerarada iyo falalka kale ee amni arro oo ay ka geysanayaan gudaha Muqdisho, waxaana ugu danbeeyay weerarkii lagu qaaday Hotelka Villa Rays oo ku yaal meel ku dhow Xarunta Madaxtooyada dalka.