WARARKA SOOMAALI

Faah faahin: Dagaal dhexmaray Ciidanka Dowladda iyo Al-shabaab, kadib weerarkii..

By xuseen waashitoon

May 30, 2022

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal Culus oo la sheegay in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab xalay saqdii dhexe ay ku qaadeen degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararka aynu helnay ayaa tilmaamaya in la weeraray Saldhiga degmada, waxaana dad Goobjoogayaal ah ay inoo sheegeen in maqlayeen dhawaqa rasaas culus oo labada dhinac ay isku adeegsanayeen.

Dagaalka xooggiisa ayaa si gaar ah uga dhacay Buundada yar ee Afgooye, waxaana Ciidanka Dowladda la sheegay in ay iska caabin sameeyeen, waxaana dadka degaanku ay sheegeen in dagaalku uu qaatay saacado kooban, kadibna uu istaagay.

Mas’uuliyiinta Gobolka iyo laamaha ammaanka wax war ah wali kama soo saarin dagaalka, sidoo kalena ma jirto faah faahin intaa ka dheeri ah oo laga helay.

Goobaha Ganacsiga iyo xaaladda guud ee magaalada ayaa lagu soo warramayaa in ay caadi kusoo laabatay, sidoo kalena lama oga in khasaare dhimasho uu jiro iyo in kale.