WARARKA SOOMAALI

Faah faahin: Al-shabaab oo weerar ku qaaday Saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamo

By xuseen waashitoon

December 04, 2021

Al-shabaab ayaa xalay weerar loo adeegsaday Madaafiic xoogan ku qaaday Saldhig Ciidanka Kenya ay ku leeyihiin degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya, waxaana kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah.

Dad ayaa ku warramay in qaar kamid ah Madaafiicda ay ku dhaceen gudaha Saldhiga Ciidamada, isla markaana weerarka uu ka dhashay khasaaro, balse aan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha weerarkaas ka dhacay degmada Ceel-waaq.

Dagaalyahanada Al-shabaab ayaa inta badan sidaan oo kale waxay weeraro isugu jira kuwa toos ah iyo kuwa qaraxyo ah ku qaadeen Saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika AMISOM,

Al-shabaab ayaa habeen dhaweyd weerar ku qaaday Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaasoo ay ku dhinteen hoobiyeyaashii la isku adeegsaday sadax caruur oo walaalo aheyd, islamarkaana ay ku dhaawacmeen laba kale oo la dhalatay caruurta dhimatay.