WARARKA SOOMAALI

Ergeyga Abaaraha ee Madaxweynaha JFS  oo dhambaal u gudbiyey Jaamacadda Carabta

By xuseen waashitoon

July 02, 2022

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Gurmadka Abaaraha dalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan gaar ah la qaatay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Axmad Abul Qayd.

Ergey C/raxmaan C/Shakuur ayaa Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta u gudbiyey dhambaal uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud, kuna saabsan gurmadka abaaraha iyo kaalinta dalalka Carbeed ee xubnaha ka ah Jaamacadda.

Sidoo kale C/raxmaan C/Shakuur ayaa kulamo la yeeshay Wasiirka arrimaha Debeda Kuwayt, Aljeeriya, Wasiir ku xigeenka arrimaha dibada ee Masar, safiiro iyo wakiilo Carbeed, isla markaana wuxuu ka Codsaday inay gurmadka abaaraha wax ka qabtaan.

Safiirka JFS ee Masar, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Jaamacadda Carabta Ilyaas Sheekh Cumar Abuu Bakar ayaa waxaa uu sheegay in Shirka wasiirrada arrimaha dibedda Carabta oo maanta looga hadli doono arrimaha abaaraha Soomaaliya.