WARARKA SOOMAALI

Ergey C/kariin Guuleed oo kulamo la yeeshay xubno ka tirsan Beesha Caalamka

By xuseen waashitoon

April 30, 2023

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa maanta kullan muhiim ah la qaatay Safiirka Midowga Yurub Mrs Tiina Intelmann oo ay ka wadahadalleen sida ugu wanaagsan ee looga guul gaari karo Wadahadallada Dowladda Federaalka Soomaliya iyo Somaliland.

Ergayga ayaa Safiiradda uga warbixiyay sida ay uga go’an tahay dib u billaabidda iyo dardargalinta wadahadallada Somaliland, waxaana uu la wadaagay in Dowladda Soomaaliya diyaar u tahay wax kasta oo looga gun-gaarayo Arrimaha Somaliland.

Dhankeeda Mrs Tiina Intelmann ayaa muujisay sida ay diyaarka ugu yihiin in ay Soomaaliya kaga caawiyaan dedaalada lagu xoojinayo midnimada Umadda Soomaaliyeed, sidoo kalana ay gacan ka geysan doonaan ka mirra-dhallinta Wadahadallada Somaliland.

Dhinaca kale Ergayga ayaa kulan kale la yeeshay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, H.E. Ibraahim Mete Yagli, kullanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray muhimadda ay leedahay dib u billaabida wada-hadalladii DFS iyo Somaliland.

Ergayga ayaa si mugg leh uga mahadcelinayay Safiirka doorkii ay dowladiisu ka ciyaartay wada hadalladii hore, waxaana uu la wadaagay in DFS ay diyaar u tahay wax kasta oo looga gun-gaarayo  Arrimaha Wadahadallada Somaliland.