WARARKA SOOMAALI

Duqeyn ka dhacday degaan ay ku sugnaayeen Al-shabaab & Ciidamo u daatay

By xuseen waashitoon

July 26, 2022

Diyaarado aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano Droonka ayaa saqdii dhexe ee xalay waxaa ay duqeymo ka geysteen deegaan ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose oo ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.

Duqeynta diyaaradeed ayaa ka dhacday deegaanka Tooratooroow oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab, isla markaana waxaa la sheegay in duqeynta lala beegsaday Saldhig ay halkaas ku lahaayeen Shabaab.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa u sheegay in xalay ay maqlayeen dhawaqa Ganaalo culus oo dhacaya iyo guuxa diyaarado joog hoose ku socda, kuwaasi oo duqeynta fuliyay.

Duqeynta kadib ayaa la sheegay ciidamo si gaar ah u tababaran oo la socday diyaarado dagaal in ay ku daateen gudaha deegaanka Tooratooroow ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Lama oga ilaa hadda khasaaraha ka dhashay duqeynta xalay ka dhacday deegaanka Tooratooroow iyo sidoo kale howlgalka ciidamada kumaandooska Soomaaliya ka fuliyeen xaafado katirsan deegaankaasi.