WARARKA SOOMAALI

Duqa Muqdisho “Shacabka caasimadda waxay Go’doon ugu jiraan amni darro”

By xuseen waashitoon

January 01, 2023

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa ka hadlay xaaladda amni ee caasimadda Muqdisho oo biryihii dambe falal amni darro ay ka dhacayeen.

Guddoomiye Madaale oo ka hadlaayay munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in Amni darada iyo dagalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Gobolada ay go’doon geliyeen shacabka kunool caasimadda.

Wuxuu tilmaamay Guddoomiyaha in hoos u dhac uu yimid dakhliga dowladda, isla markaana ay sabab u tahay go’doonka ay shacabka magaalada Muqdisho ugu jiraan amni darrada iyo dhibaatada dagaalamayaasha Al-shabaab.

Sidoo kale Duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in loo baahan yahay in Shacabka Canshuurta laga qaado wax loogu qabto loona baahneyn in Canshuurta laga qaado  Shacabka ay ku soo aruurto mushaar oo kaliya.

Hadalkan ayaa Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Muqdisho Yuusuf  Xuseen Jimcaale (Madaale) waxaa uu ka sheegay munaasabad uu Maamulka Gobolka Banaadir ku ansixiyay miisaaniyadda Gobolka Banaadir ee sanadka 2023.