WARARKA SOOMAALI

Duqa Muqdisho “Ma ogolaan doono in dano gaar ah loo dhisto dhulalka Dowladda”

By xuseen waashitoon

November 07, 2021

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa sheegay in caqabado badan Maamulka Gobolka uu kala kulmo dib u soo celinta dhulalka dowladda oo sannado badan gacanta dowladda ka maqnaa.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa waxaa uu caddeeyay in Maamulka Gobolka Banaaadir iyo dowladda haatan jirta aysan marnaba ogolaan doonin in hal Mitir oo dhul dowladeed ama dad shacab ah ay leeyihiin dan gaar ah loo qaato, loona dhisto.

Wuxuu intaas kusii daray Duqa Muqdisho in maalmihii dambe ay soo bateen warar been abuur ah oo lagu sheegayay in dhulal dowladda leedahay danno gaar ah loo dhistay, hayeeshee waxa uu sheegay in marnaba Maamulka ogolaaneynin in la dhisgto dhulalka.

“Waxaan rabaa in aan idiin Cadeeyo in maamulka Gobalka Banaadir iyo dowladda hada jirto aysan Ogalaan doonin in hal Mitir oo Dhulka Dowlada ah si gaara ah loo qaato” ayuu yiri Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish oo la hadlaayay warbaahinta.

Duqa Muqdisho ayaa maanta xariga ka jaray dhismaha barxada Biyaasa Liibaro ee degmada Xamar Jajab oo ay dowlada hoose Xamar ku sameysay dib udhis goobtaas oo loogu talagalay in lagu baakimo gaadiidka Xamuulka ah si loo yareeyo saxmada balaaran ee kajira isku socodka waddooyinka Caasimadda.