WARARKA SOOMAALI

Duqa Laascaanood oo shaaciyay in Somaliland ay xasuuq ka geysatay Magaalada

By xuseen waashitoon

February 08, 2023

Duqa magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa si kulul uga hadlay duullaanka Maamulka Somaliland kusoo qaadeen gudaha magaaladaas oo maalintii saddexaad oo xiriir ah uu ka socda dagaal u dhexeeya ciidanka Somaliland iyo dadka deegaanka.

Duqa Laasscaano Cabdiraxiin Cali Ismaaciil oo ay hareer taagan yihiin Xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka magaalada ayaa ciidamada Maamulka Somaliland ku eedeeyay inay xasuuq ba’an ka geysanayaan goobaha ay ku sugan yihiin dadka shacabka ah.

Cabdiraxiin Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Somaliland ay duqeymo aan kala joosi laheyn ku wado Isbitaalka, masaajidka iyo guryaha ay degan yihiin shacabka, isla markaana uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

“Waxaanu caddaynaynaa in la duqeynayo goobihii caafimaadka, in la duqaynayo masaajiddadii, in la duqaynayo kaalmihii shidaalka iyo guryahii dadka shacabka yaaleen. Halkaan aan taagannahay waa cusbitaalkii Laascaanood. Madfac baa ku dhacay” ayuu yiri duqa Laascaanood oo ugu baaqay in ciidanka Somaliland ay ka baxaan halkaas.

Cabdirixiin Ismaaciil waxa uu been abuur ku tilmaamay hadal kasoo yeeray Somaliland oo ahaa inay magaalada Laascaanood kula dagaalamayaan argigixiso, wuxuuna sheegay in waxa dagaalamaya ay yihiin ciidamada Somaliland iyo shacabka Laascaanood.

Ciidanka Somaliland ayaa ku guuldareystay inay galaan Laascaanood, isla markaana waxaa dagaalo xooggan kala hortegay oo iska difaacay dadka deegaanka ee hubka qaatay, kuwaasi oo diiday inay Laascaano gudaha usoo galaan ciidanka Somaliland.