WARARKA SOOMAALI

Dunida muslimka iyo Soomaaliya oo Maanta siweyn looga Ciidayo

By xuseen waashitoon

April 21, 2023

Inta badan dalalka Islaamka ayaa maanta waxaa u billowday dabbaal-degga maalinta 1-aad ee Ciidul-Fitriga, kaddib markii oo khamiis ah ay aheyd 29-kii bisha Ramadaan.

Dalalka Carabta oo ay ugu horreeyaan Sacuudiga, Masar, Imaaraadka Carabta iyo Qatar iyo dalal kale oo farabadan oo ay kamid yihiin Turkey, Pakistan, Indonesia, iyo Iran, ayaa laga ciidayaa.

Sidoo kale meelaha maanta sida weyn looga ciidayo ayaa waxaa kamid ah Soomaaliya, isla markaana waxaa saakay masaajida magaalada Muqdisho lagu oogay salaada Ciidul Fitriga.

Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Ciidul Fitriga, isagoona shacabka ugu baaqay inay isku gargaaran.

Waxaa jira dalal Maanta laga sooman yahay oo laga dhammeeystirayo 30-ka bisha Ramadaan, waxaana dalalkaasi ay sheegeen in xalay aysan arag bisha Shawaal, ayna Ciida u noqoneyso maalinta berrito oo sabti ah.