WARARKA SOOMAALI

Dowladda Turkiga oo War kasoo saaray dad ku hoobtay Shil ka dhacay Masar

By xuseen waashitoon

July 20, 2022

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Turkiye ayaa soo saartay Qoraal loogu tacsideynayaan dadkii ku geeriyooday Shilkii gaari ee shalay ka dhacay Koonfurta dalka Masar, oo ay 22 qof ku geeriyootay, halka ay 33 kalena ku dhaawacmeen.

Qoraalka ayaa waxaa kale oo Tacsi loogu diray Dowladda Masar iyo Qoysaska ay ka baxeen Marxuuminta ku dhintay Shilkaasi iyo inuu Ilaahay u naxariisto Marxuumintaasi.

Warbaahinta Masaarida ayaa soo tebiyey in Bas waday dad Rakaab ah uu ku dhacay Gaari Xamuul oo cillad ku qabsatay Jidka Saxaraha ee Gobalka Minya ee Koonfurta dalkaasi.

Maamulayaasha ayaa tilmaamay inuu shilkaasi ka dhacay magaaladda Malaawi oo 220 KM (137 mayl) dhanka Koonfur kaga toosan Caasimada dalka Masar ee Qaahira.

Waddanka Masar ayaa waxa uu ka mid yahay dalalka ay Shilalka Gaadiidka ee ugu badan ka dhacaan, iyadoo Wakaalladda Tiro-koobka Dowladda Masar (The State statistics Agency (CAPMAS) diiwaan gelisay in Shilalkii Gaadiidka ee sanadkii hore ka dhacay dalkaasi ay ku dhinteen 56,789 qof, halka ay 6,164 kalena ku dhaawacmeen.