WARARKA SOOMAALI

Dowladda Turkiga oo ballan qaaday dhismaha Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya

By xuseen waashitoon

May 30, 2022

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya JFS Amb. Mehmet Yilmaz.

Safiirka ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ka guddoomay Salaan iyo Hambalyo ku aaddan dooraashadii 15 May ee ka dhacday Teendhada Afasiyooni laguna doortay Madaxweynaha JFS, Xasan Sheekh Maxamuud.

Wuxuu sheegay Safiirka dowladda Turkiga inay ballan qaadayaan dhismaha xarunta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, tayeeynta shaqaalihiisa iyo tababarada ay siiyaan ciidanka Qalabka sida ee JFS.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo geba-gebada kulanka dhankiisa ka hadlay ayaa dowladda Turkiga ku boggaadiyay teegeeradda joogtada ah ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.