Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO:-Turkiga oo balan qaad cusub u sameeyay Soomaaliya

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa Talaadada maanta xafiiskiisa ku qaabbilay safiirka Jamhuriyadda Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yılmaz,iyadoo laga wada-hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga.

Kulanka inta uu socday waxaa lagu soo qaaday sidii loo dhaqangalin lahaa iskaashi ay horey wasaaradda ula gashay dhiggeeda Turkiga,isagoo safiirka Turkiga uu qaadanayo door fududeyn ah. Is-afgaradka ayaa dhigayay in labada dal ay iska kaashadaan horumarinta shaqaalaha iyo kor u qaadista shaqada dhallinyarada.

Wasiir Cabdiwahaab Ugaas, ayaaa sidoo kale uga mahadceliyay Dawladda iyo Shacabka Turkiga taageerrada Dawlad dhisidda iyo horumarinta Soomaaliya.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Safiirka Dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Mehmet Yılmaz ayaa dhankiisa xaqiijiyay Dawladda Turkiga inay dedaal badan galinayso sidii loo horumarin lahaa shaqaalaha iyo kor u qaadista shaqada, arrimahaa oo uu sheegay inay xoojinayaan dedaalada dib u soo kabashada ee Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale ku dhiirrigaliyay wasiirka iyo howl-wadeennada kale ee wasaaradda howlaha ay u hayaan dalka, wuxuuna markaa xaqiijiyay Turkiga inuu garab taaganyahay Dawladda iyo Bulshada Soomaaliyeed.

Exit mobile version