HORUFADHI MEDIA |

Dowladda Soomaaliya soo saartay amar la xidhiidh Lamaanayasha isla aada Hotellada Muqdisho-Video

Muqdisho (HM)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa maanta amar dul dhigay dadka iska leh hoteellada magaalada Muqdisho, xilli uu xadhigga ka jarayey waax cusub oo lagu kordhiyey xarunta dembi baadhisra booliska Soomaliya ee CID-da.

Guddoomiye Baashe ayaa sheegay in waxyaabo badan oo aan lagu aqoon dhaqanka Soomaaliyeed ay hadda dalka ku soo kordheen, isagoo laamaha amniga dowladda faray in ahmiyad weyn la siiyo la dagaalanka dunuubta.

“Waxaa lagama maarmaan ah in qorshe loo dejiyo habka hoteellada loo dego, hadaa dooneyso inaad Hotel degto, kaliya waxaa lagaaga baahanyahay inaad lacag bixiso, ceeb ka weyna ma jirto in dembiyada aan ka hadleyno ay hoteellada ka dhacaan, banaanka in dembi ka dhaco layaab malahan oo weligeed ayaa la arki jiray, laakiin Hotel Xamar ku yaalla oo aan garaneyno in la dhaho dembi noocaas ah ayaa ka dhacay, ceeb ka weyni ma jirto” ayuu yidhi guddoomiye Baashe.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Exit mobile version