WARARKA SOOMAALI

Soomaaliya & Qatar oo dhabarka u jeediyey qorshe uu watay Sucuudigu oo Turkiga ka dhan ah-Akhriso

By Abdi rashid

October 13, 2019

Muqdisho ( HM ) Dowladda Soomaaliya ayaa diiday inay qeyb ka noqoto warsaxaafadeed ka dhan ahaa dalka Turkiga oo ka soo baxay ururka Jaamacadda Carabta, Kaasi oo lagu cambaareynayey Turkiga, gaar ahaan howlgalka uu ka wado gudaha Suuriya, Waxana DF Soomaaliya diiday inay ka mid noqoto.

Sidoo kale waxaa Bayaankan ka horyimid dowladda Qatar oo iyana iska diiday inay ka mid noqoto Warsaxaafadeedka ka dhanka ahaa Dawladda Turkiga.

Turkiga ayaa ka mid ah dalalka sida u dhow u taageero dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, isaga oo mashaariic kala duwan ka fuliya gudaha dalka, Sidoo kalana Deeqo Waxbarasho Siiyey Kumanaan Soomaali ah.

Waxa kale madaxda iyo shacabka Turkiga lagu xasuustaa, sida ay sanadihii ugu dambeeyey u garab istaageen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa horay u gaartay go’aanno culus oo la Xidhiidha arrimaha dibadda, sida midkii dhex dhexaadnimada ah ee ay ka qaadatay khilaafka wadamada Khaliijka Carbeed.

Dhinaca kale Dalka Qatar ayaa lagu xasuustaa Hiilkii iyo Gurmadkii uu turkigu u sameeyay Xiligii la saaray Cunaqabataynta.

Go’aanka Dawladda Soomaaliya ay ka qaaday Shirkii Jaamacada Carabta ee Qaahira ayaa muujinaya  Bisaylka Siyaasadeed ee ka muuqda Dawladnimada Soomaaliya.