WARARKA SOOMAALI

Dowladda Soomaaliya oo Todobaadyadda Soo aadan qaadaysa Howlgal Balaadhan iyo Dagaal…

By Abdi rashid

October 20, 2017

Dowladda Soomaaliya ayaa todobaadyada soo socda qorsheyneysa inay qaado howl gal ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab, iyadoo dalka la gelinayo xaalad dagaal, sida uu ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Warar ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya inuu socdo qorshayaasha lagu dejinayo abaabulka dagaal, waxaana socda diyaar garow iyo isku dubarid la doonayo in lagu sameeyo hoggaanada ciidamada.

Taliska Ciidanka xoogga dalka ayaa is bedel ku sameeyay Hoggaanka Qeybta 12-ka April, waxaana Taliyaha qeybtaas loo magacaabay Jen. Cumar Dheere oo horay u soo noqday wasiir kuxigeenka Gaashaandhigga xilligii dowladdii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in Abaanduulka Qeybta 12-ka April ayaa waxaa lagu wadaa in loo magacaabo Col. Koronto, si uu uga mid noqdo Saraakiisha horkaceysa duulaanka.

Duulaanka ayaa qorshihiisa ugu weyn yahay Gobolka Shabeellaha Hoose oo la rumeysan yahay inay tahay goobaha Al-Shabaab ka soo abaabulaan Qaraxyada.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maalinta Sabtida ee berri la kulmi doona Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka, si uu ugu dhawaaqo in dalka uu galay xaalad dagaal.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa hoggaamin doona dagaalka, waxaana uu degi doonaa degmada Afgooye, si uu uga hago dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Diyaar garow dagaal oo weyn ayaa u baahan qorshe iyo saanad buuxa oo ay u dhameystiran yihiin Ciidamada dagaalka ka qeyb qaadanaya, waxaana bilihii la soo dhaafay jiray aaggag ay ciidamada dowladda ka soo baxeen, sidoo kale waxaa ciidamada muddo bilo aysan qaadan wax mushaar ah.

Xaalada dagaal ee Madaxweyne Farmaajo ku dhawaaqayo maalinta berri ayaa si aan ku tala gal aheyn ugu soo aaday 21 October oo ku beegan maalintii kacaanka ee ciidamadii uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore Maxamed Siyaad Barre ay dalka afgambi aan dhiig ku daadan kula wareegeen sanadkii 1969.