WARARKA SOOMAALI

Dowladda Soomaaliya oo shaqadii ka joojisay Hay,addo warbaahineed.

By Abdi rashid

November 12, 2019

Muqdisho (HM)-Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay hakiyey howlahii ay dalka ka hayeen laba hay’adood oo kala ah Media Ink iyo Perspective Media.

Wareegto uu ku saxiixan yahay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta C/raxmaan Al-Cadaala ayaa lagu shaaciyey in la hakiyey shaqooyinkii ay dalka Soomaaliya ka hayeen labadaasi Hay’adood.

Sababaha Shaqada looga hakiyey labada Hay’adood ayaa waxaa lagu sheegay ka dib markii ay raaci waayeen nidaamka ay Wasaaraddu u dejisay hey’adaha ka shaqeeya warbaahinta ee ku sugan gudaha dalka.

Hay’adaha Media Ink iyo Perspective Media ayaa waxaa ay ka Shaqeeyaan Arrimo la xiriira dhinaca Warbaahinta, iyaga oo Xarumo ku leh magaalooyinka Nairobi ee dalka Kenya iyo magaalada Hargeysa ee Somaliland.

Hay’ada Media Ink ayaa waxa ay wadashaqeyn la lahayd inta badan warbaahinada ka jira dalka iyadoo ka sii deyn jirtey toddobaad walba barnaamijyo kala duwan kuwaasoo mowduucyada ay ka hadlayaan ay ka mid ahaayeen sidii wax loogu qaban lahaa dadka ku barakacay gudaha dalka Soomaaliya.