Muqdisho (HM)-Wasaarada Waxbarashada Xukuumada Soomaaliya ayaa shaacisay natiijada shahaadiga ee fasalka 12-aad ee dugsiga sare ee sanada 2020-ka, waxaana imtixaankan u fadhiistay arday ka badan 33-kun.
Imtixaanka Shahaadiga ee fasalka 12-aad ee sanadkan ayaa lagu qaaday ardayda kunool Gobolka Banaadir, Galmudug, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle, waxaana sanadkii labaad imtixaanka dowlada aan ka qeyb galin ardayda reer Puntland.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Imtixaanka shahaadiga ee Dugsiga sareĀ waxaa sanadkan u fadhiistay arday gaareysa 33, 727 waxaa baasay 25, 177 halka ay dhaceen 8,550 oo isugu jira 5,231 oo Wiilal ah iyo 3,319 Gabdho ah.
Halkan ka Akhriso Natiijada Imtixaanka