WARARKA SOOMAALI

Dowladda Soomaaliya oo mamnuucday in Dalka la keeno waxyaabaha Carruurtu ku ciyaarto-Akhriso

By Abdi rashid

June 13, 2018

Muqdisho (Horufadhi News)-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa mamnuucday in dalka la keeno qaar kamid ah alaabaha caruurta ku ciyaaraan xiliyada ciida gaar ahaan biskooladaha, qoryaha, Bambooyinka iyo baaruuda .

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo Digreetadan ku saxiixnaa ayaa ku war galiyay Ganacsatada Soomaaliyeed waxii xiligan ka dambeeya aan dalka la keeni karin alaabaha dhibaatada bulshada ku abuuri kara.

Ganacsaada ayaa Wasaarada waxa ay ugu baaqday in hada kadib dalka keenaan waxyaabaha caruurta ku ciyaaraan ee abuuri kara is dhax galka iyo ka shaqeynta Nabad galyada, balse aan loo baahneyn baaruud qaraxyada , biskoolado .

Magaalada Muqdisho waxaa la keenay baaruud sida xabad oo kale u dhaceysa taas oo bulshada badankeeda ay dhibaato ku qabaan, waxaa sidoo kale ganacsatada keentaa qalab u eg qoryaha nuucadooda kala duwan iyo biskoolado.