WARARKA SOOMAALI

Dowladda Soomaaliya oo Liibiya kala hadashay Arrimaha deyn Cafinta

By xuseen waashitoon

June 06, 2022

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Maanta waxaa uu la kulmay safiirka wadanka liibiya  ee Soomaaliya Yuusuf Katim Al Kaylaani iyo Cali Madkuur Maxamed ahna u qaabilsanaha dhinaca Maaliyadda Safaarada Libya.

Wasiir Beyle iyo labada Mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen  arrimaha dhaqaalaha iyo Deyn cafinta oo Libya ka mid tahay wadamada Carabta ee deynta kuleh Soomaaliya.

Sidoo kale labada dhinac ayaa waxaa ay isla soo hadal qaadeen sidii loo xoojin lahaa xiriirka Soomaaliya iyo liibiya iyo sidii iskaashi looga yeelan lahaa arrimaha Gobolka .

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa uga mahad celiyay labada mas’uul kulankooda, isaga oo sheegay in dowladda Soomaaliya ay xoojin doonto wadashaqeynta ay la leedahay dalalka Afrika.