WARARKA SOOMAALI

Dowladda Soomaaliya oo laba arrin oo muhiim kala hadashay Midowga Yurub

By xuseen waashitoon

June 19, 2022

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Tiina Intelmann.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta taageerada Midowga Yurub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo sidii loo dardar gelin lahaa howlgalka ATMIS, Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Cabdiqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Difaaca, ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub taageerada hagar la’aanta ay siiyaan Soomaaliya.

Kulanka, ayaa waxaa sidoo kale, goob-joog ahaa taliyaha ciidamada xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda gaashaandiga Xasan Maxamed Siciid Gacaliye.