WARARKA SOOMAALI

Dowladda Soomaaliya oo war kulul kasoo saartay Safaaradda Taiwan ka furatay Soomaliland-Akhriso

By Abdi rashid

August 18, 2020

Muqdisho (HM) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta markale war kasoo saartay xidhidhka Taiwan iyo maamulka Somaliland, oo horseeday in wakiilo is weydaarsadaan, isla markaana maalinimadii Isniintii ay xafiis ka furato magaalada Hargeysa.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya oo ku qornaa luuqada Ingiriiska ayaa si weyn loogu cambaareeyay dhaq-dhaqaaqa Taiwan ee Somaliland, kaasi oo xad-gudub ku ah madax-banaanida Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Dowladda ayaa meel adag iska taagtay heshiiska Taiwan iyo Somaliland ee horseeday inay xafiiskaasi ka furato, iyada oo ula dhaqmeysa sida ‘dal madax-banaan’, xili uu caalamku u aqoonsan yahay inay qeyb ka tahay Soomaaliya.

“Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay cambaareynaysa isku deyga Taiwan ay ugu xadgudbeyso qaranimada Soomaaliya, iyo sharafteeda dhuleed,”.

“Dowladda federaalka Soomaaliya waxay diideysaa dhaq-dhaqaaqyadan qaldan ee lagu raadinayo in is afagaran waa iyo kala qeybsanaan looga dhex abuuro shacabkeena.”

“Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya waxay u taagan tahay sidii ay u ilaalin lahayd Qaranimadeeda, Midnimadaa dadkeeda iyo sharafteeda dhuleed.”

Bayaankaasi ayaa waxa si cad loogu baaqay Taiwan inay joojiso faro-gelinta ay ka waddo Soomaaliya, waxaaa dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ay qaadeyso tallaabooyin ay uga hortageyso dhaq-dhaqaaq kasto oo wax lagu yeelayo midnimada Soomaaliya, midaasi oo qeyb ka tahay mida ay wado Taiwan.

“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay sidaas darteed ugu yeedhaysaa Taiwan inay joojiso howlaheeda marin habaabinta ah ee ay ka waddo qeyb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Mabaadi’daani waa kuwo aanay gorgortan ka gelin karin Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya,” ayey tidhi wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya.

“Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay qaadeysaa talaabooyinka lagama maarmaanka ah ee waafaqsan qaanuunka caalamiga ah si loo ilaaliyo Midnimada, Qarannimada, Wadajirka, Sharafta Dhuleed iyo Madax-bannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya.” ayaa lagu yidhi war saxaafadeedka oo u muuqda mid cadho leh.

Horufadhi News