WARARKA SOOMAALI

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay shirkii xalay kusoo dhamaaday Jabuuti-Video

By Abdi rashid

June 18, 2020

Muqdisho (HM)-Wasiirka arrimaha gudaha dowladda federalka Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay shirkii xalay kusoo gabagaboobay dalka Jabuuti in uu ka turjumayo gogol xaadhka wadahadalo heer sare oo dhexmara masuuliyiinta Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay wada hadal dhab ah la gasho Somaliland, si loosoo celiyo xidhiidhkii iyo walaaltinimadii ka dhaxeysay ummadda Soomaaliyeed oo ay ku jirto Somaliland.

Cabdi Maxamed Sabriye waxa uu tilmaamay heshiiska la saxiixay inuu tilmaamayo in ay labada dhinac ka go’an tahay in wada hadaladu sii socdaan oo si dhab ah looga hadlo arrimaha masiiriga ah ee miiska saaran.

Dowladda Soomaaliya ayaa mahad celin baaladhan u jeedisay Jabuuti, iyadoo ku bogaadisay marti galinta shirkaan, waxayna sheegtay Jabuuti inay tahay dowladda kaliya ee fahamsan ahmiyada ay leedahay dib u heshiisiinta Soomaaliya.

Horufadhi News

Sawirka Wasiirka arrimaha Gudaha Soomaaliya.@Horufadhi News