WARARKA SOOMAALI

Dowladda Soomaaliya oo dib Safaaraddeeda uga furtay Dalka Rwanda

By xuseen waashitoon

April 29, 2022

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay dib Safaaraddeeda uga furatay dalka Rwanda, iyadoo la fulinayo heshiiskii 26 Janaayo ay kala saxiixdeen Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Mudane Cabdisaciid  Cali iyo Dhiggiisa Rwanda , Dr. Vincent Biruta.

Danjire Sahra Cali Xasan ayaa warqadaheeda aqoonsiga danjirannimo ku wareejisay Madaxweynaha Rwanda, Mudane Paul Kagame , 26 bishan April, iyadoo ka ah Safiir “ma degane” Jamhuuriyadda Rwanda.

Danjire Sahra Cali ayaa sidoo kale nuqul ka mid ah warqadaheeda aqoonsiga danjirannimo ku wareejisay Wasiirka Arrimaha Dibadda Rwanda 25 bishan April.

Soomaaliya ayaa xoojinaysa xiriirka kala dhexeeya Rwanda, waxaana tallaabadan diblomaasiyadeed ay qeyb ka tahay qorshe lagu ballaarinayo matalaadda safiirrada Soomaaliya ee dalal dhowr ah  oo ay ka noqonayaan ” Safiir ma degane”