WARARKA SOOMAALI

Dowladda Soomaaliya oo Baaq Deg-deg ah kasoo saartay Dagaalka Suudaan

By xuseen waashitoon

April 16, 2023

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay isku-dhacyada hubaysan ee u dhexeeya Ciidamada iyo Xoogagga Birmadka Deg-degga ee dalka Suudaan.

War-saxaafadeed ku qornaa luuqada Carabiga oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliy ayaa waxaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh dirirta loogu baaqay  in ay si deg deg ah u joojiyaan colaadda.

Sidoo kale dowladda Federaalka ayaa dadka isku haaya arrimaha siyaasadda dalka Suudaan ka dalbatay inay is xakameeyaan, ayna guda-galaan wadahadal lagu xalinayo khilaafka si loo dhowro amniga iyo xasiloonida siyaasadeed.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh dirirta in ay si deg deg ah u joojiyaan colaadda, isla markaana ay is xakameeyaan, ayna guda-galaan wadahadal lagu xalinayo khilaafka si loo dhowro amniga iyo xasiloonida siyaasadeed” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Isku dhacyada dalka Suudaan ka qarxay ayaa daba socda xiisado ka dhex oogmay miltariga Sudan iyo ciidamada RSF oo qorshuhu ahaa in miltariga lagu daro iyo cidda howshaasi maamuleysa.