WARARKA SOOMAALI

Dowladda Soomaaliya iyo Qatar oo ka wada hadlay Arrimo muhiim

By xuseen waashitoon

April 11, 2023

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa Xafiiskiisa ku qaabbilay Danjiraha Dowladda Qatar ee Soomaaliya, Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga iyo arrimaha bini’aadanamida oo Dowladda Qatar ay ka gacan siiso Soomaaliya.

Danjiraha Dowladda Qatar ee Soomaaliya, Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre uga mahadceliyay soo dhaweynta uu xafiiskiisa ugu sameeyay.

Dowladda Qatar ayaa kamid ah dowladdaha taageera dowladda Federaalka Soomaaliya, waxayna gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ay ka fuliyaan mashaariic horumarineed.