WARARKA SOOMAALI

Dowladda Soomaaliya iyo Britain oo ka wada hadlay Arrimo muhiim ah oo ku…

By xuseen waashitoon

November 21, 2021

Wasiirkii Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Boqortooyada Midowday (UK) u qaabisan Soomaaliya, Marwo Kate Foster OBE, kahor inta aan xilka laga qaadin.

Kulanka dhexmaray Maxamed Cabdirisaaq iyo Marwo Kate Foster OBE ayaa waxaa looga wada hadlay siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka iyo iskaashi wadaagga ee ka dhexeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Ingiriiska.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in kulanka inta uu socday looga wada hadlay ka tashiga xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka iyo dunida inteeda kale ee taabanayay danaha guud ee labada.

Kulanka markii uu dhacay kadib, ayaa waxaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu xilka qaadis ku sameeyay Wasiirkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, waxaana xilkaas loo magacaabay Cabdisaciid Muuse Cali.