WARARKA SOOMAALI

Dowladda Somalia oo War kasoo saartay howlgalo lagu dilay Saraakiil Al-shabaab ahaa

By xuseen waashitoon

October 24, 2022

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in 48-dii saac ee la soo dhaafay ay Hawlgallo guulaystay, oo ay iska kaashadeen Sirdoonka Qaranka iyo saaxiibadooda caalmiga ah ee taageera  ay ku dileen xubno ka tirsan  Al-shabaab, waxaana sidoo kale intaa ay ku dartay dowladda Sooomaaliya in ay burburisay Gaadiid u siday saanad ciidan iyo walxaha qarxa.

Hawlgalladaan ayaa waxaa ay ka dhaceen deegaanka Masaajid Cali-guduud iyo Bur-colow oo sidoo kale loo yaqaano Doolile oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Hawlgalka Koowaad waxaa la fuliyay Sabti 22-kii October ayaa waxaa lagu beegsaday garaash iyo guri ay ku shirayeen xubno sar-sare iyo dagaalamaayal ka tirsan Al-Shabaab.

Waxaana sheegtay dowladda Soomaaliya in  lagu dilay 21 ka tirsan Al-Shabaab, oo uu ku jiro xubin ay magaciisa ku sheegeen Cabdullaahi Cali Caraale.

Hawlgalka labaad waxaa uu dhacay 23 bisha oo shalay ahayd 3:30pm galabnimo waxaana laga fuliyay nawaaxiga magaalada Masaajid Cali-Gaduudd goob bartimaameed gaar ah u ahayd Hay’adda NISA waxaana lagu dilay 11 ka tirsan Al-shabac, waa sida ay hadalka u dhigtay Dowladda Soomaaliya.