WARARKA SOOMAALI

Dowladda Somalia oo War kasoo saaray Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Kampala

By xuseen waashitoon

November 18, 2021

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay labadii qarax ee lagu dilay laguna dhaawacay tiro askar iyo dad rayid ah oo ka  Maalin ka hor ka dhacay Magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda  Soomaaliya ayaa lagu yiri” Soomaaliya oo dhibane u ah weeraradii argagixiso ee lamidka ahaa, waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa qoysaska dhibanayaasha, iyadoo u rajeysay kuwii ku dhaawacmay inay si deg deg ah u bogsadaan, iyadoo ugu baaqday dalalka Afrika inay sameeyaan dadaal abaabulan oo ula kac ah si ay uga hortagaan argagaxisada fikir ahaan iyo abaabul ahaanba.

Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Kampala ayaa waxaa ku dhintay lix ruux halka 33 kale ay ku dhaawacmeen, waxaana mas’uuliyadda qaraxyada sheegtay Kooxda IS, iyada oo Madaxweynaha Uganda uu sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan Kooxdii ka dambeeysay qaraxyadaas.

Dowladda Uganda ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga kumanaan Askari oo ku howlgalla Magaca howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaas oo Ciidamada dowladda Soomaaliya ka caawiya dagaalka ay kula jiraan Ururka Al-Shabaab.