WARARKA SOOMAALI

Dowladda Somalia oo Wakiilo ka socday Ruushka kala hadashay Arrin muhiim ah

By xuseen waashitoon

April 11, 2023

Wafdi ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Wasiirka Maaliyadda Dr. Elmi Mahamoud Nur ayaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka uga qeyb galay shirka (Guga) sanadlaha ah ee Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka.

Wasiir Dr. Elmi Nur ayaa furitaanka shirka kadib waxa uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay Madaxda Hey’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha maalgalinta, isagoo kala hadlay arrimo la xiriira horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la qaatay Agaasimaha Fulinta xafiiska Bangiga Adduunka ee (Africa Group 1) Dr.Floribert Ngaruko oo ay ka wada hadleen arrimaha dib-u-habeynya Maaaliyadda iyo dhaqaalaha Soomaaliya.

Sidoo kale  Wasiirka ayaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka kulan kula qaatay wakiilo ka socda Dowladda Ruushka oo ka mid ah dowladaha Soomaaliya deynta ku leh, isla markaana muddooyinkii la soo dhaafay uu u socday wadahadal ku saabsan cafinta deynta Ruushku ku leeyahay Soomaaliya.

Shirka Sanadlaha laha ah ee Guddiga Sare ee IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa socon doona muddo toddobaad ah, waxaana jiri doono kulamo muhiim ah oo diiradda lagu saari doono xaaladda dhaqaalaha Soomaaliya.