WARARKA SOOMAALI

Dowladda Somalia oo UK kala hadashay wax ka qabashada Abaaraha iyo la dagaalanka AS

By xuseen waashitoon

August 22, 2022

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-uheshiisiinta XFS Mud. Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta la kulmay danjiraha Dowlada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Mrs. Kate Foster.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay iskaashiga xasilinta Amniga deegaanada laga xureeya kooxaha waxa loogu yeeri Argagixisada iyo wax ka qabashada abaaraha dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay inay cid kasta kala kaashato arrimaha gurmadka abaaraha iyo ka xoreynta degaanada argagixsada ay kaga suganyihin dalka.

Danjiraha Dowlada UK u fadhiya Soomaaliya Mrs. Kate Foster ayaa dhankeeda sheegtay in ay diyaar u yihiin in dowladda Soomaaliya kala shaqeeyaan sugida iyo xasilinta Amniga dalka iyo arrinaha abaaraha ka jira dalka.