WARARKA SOOMAALI

Dowladda Somalia oo si kulul Cambaareysay Weerarkii Al-shabaab ku qaaday Ceelbaraf

By xuseen waashitoon

May 04, 2022

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul Cambaareysay weerarkii Al-shabaab shalay ku qaadeen Saldhig Ciidanka ATMIS gaar ahaan kuwa Burundi ay ku leeyihiin deegaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkii ka dhacay Ceelbaraf uu ahaa mid fool xun, kaasi oo geystay khasaaro lixaad leh oo lagu gaarsiiyey Ciidamada Burundi.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Beesha cCaalamka ka codsatay inay kordhiyaan taageerada ay siiyaan ciidamada dowladda  Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee la dgaallanka Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa sheegtay in ay dileen 173 ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, iyagoo sidoo sheegtay in ay gacanta ku dhigeen ciidamada kale oo ay ku sheegeen ‘maxaabiis dagaal.’ Labada sheegasho si madax-banaan looma xaqiijin karo.

Dhinaca kale Midowga Afrika ayaa cambaareeyay weerarkii Al-shabaab ay ku qaaday Saldhig ay leeyiiin Ciidamada Burundi ee ka tirsan kuwa Midowga Afrika oo ku yaalla tuulada Ceel Baraf oo ilaa 65km dhnaca Waqooyi ka xigta Magaalada Jowhar.