Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO:-Dowladda Somalia oo dib u fureysa Safaaradda ay ku leedahay Kenya

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay dib u soo celineyso xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeyay dowladda Kenya oo muddo kahor dib loo soo celiyay, balse uu mar kale xumaaday.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda ayaa waxaa lagu sheegay in mar kale dowladda ay dib u soo celineyso xiriirka Kenya, iyadoona dib u soo celinta ku tilmaamtay mid sharaf leh.

Dowladda Federaalka ayaa Kenya ugu baaqday inay dib u furto Safaaradeeda ay ku leedahay Soomaaliya, halka dowladda ay caddeysay inay dib u furi dooto Safaaradda ay ku leedahay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalkaas.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa la sii raacsiiyay “Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay uga faa’iideysanaysaa fursaddan inay dib ugu cusbooneysiiso wasaaradda arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Kenya hubinta tixgelinta ugu sareysa”.

Maalmaha soo socda ayaa waxaa bilaaban doona tallaabooyin dib xiriirka labada dal loogu so celinayo, iyadoo wafuud labada dhinac ka kala socota ay tagi doonaan Magaalada Nairobi, halka kuwo kalena ay imaan doonaan Muqdisho.

Exit mobile version