WARARKA SOOMAALI

Dowladda Somalia oo Dal hor leh kala hadashay soo dhaweynta Soomaalida Ukraine

By xuseen waashitoon

March 04, 2022

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa wadahadal khadka teleefoonka ah kula yeeshay dhiggiisa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Serbiya, Nikola Selaković.

Wasiir Cabdisaciid ayaa sheegay in uu si dhow ula socdo xaaladda ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan xuduudda Ukraine, lana hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Seerbiya, Nikola Selaković, kuwaasi oo kasoo barakacay dagaalada Ukraine.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Serbiya ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya u ballan qaaday inay soo dhaweyn doonaan Ardayda Soomaaliyeed ee soo qaxay, si waxbarashadooda uga sii wataan dalka Seerbiya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa xusay inay isku fahmeen isaga iyo dhiggiisa Seerbiya horumarinta xiriirka laba geesoodka ee muddada dheer jiray iyo in si dhow looga wada shaqeeyo howlaha dano wadaagga.