WARARKA SOOMAALI

Dowladda Somalia oo Bangiga Horumarinta Islaamka kala hadashay Deyn Cafista

By xuseen waashitoon

April 07, 2022

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa kulan kula yeeshay magaalada Jeddah ee dalka Sacuudi Carabiya, Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta Islaamka (Islamic Development Bank), Dr. Muhammad Sulaiman Al Jasser.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa warbixin ka siiyay Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta Islaamka horumarka laga sameeyay arrimaha dib-u-habeynta dhaqaalaha, Doorashooyinka iyo halka uu marayo barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya.

Wasiirka ayaa si gaar ah uga la hadlay Guddoomiyaha Bangiga Islaamka cafinta deynta uu Soomaaliya ku leeyahay Bangiga Horumarinta Islaamka iyo sidii loo kordhin lahaa mashaariicda horumarineed ee Bangiga Islaamka uu ka waddo dalka.

Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta Islaamka ayaa dhankiisa soo dhaweeyay horumarka Soomaaliya ay ka samaysay dhanka dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo hannaanka Maaliyadda isagoo dowladda ku booriyay in ay sii wado dadaalada horumarinta dhaqaalaha iyo dhammaystirka arrimaha Deyn cafinta.

Wasiirka Maaliyada ayaa waxa uu sidoo kale la kulmay Dr. Bader Alsaad oo ah Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Dhaqaalaha iyo Horumarinta Arimaha Bulshada ee dalalka Carabta.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ku sugan magaalada Jeddah halkaasi oo uu uga qeybgalayo shirka Wasiirradda Maaliyadda dalalka Carabta oo furmayo maanta.