WARARKA SOOMAALI

Dowladda Somalia iyo Q/Midoobey oo War kaso saaray Abaaraha ka jira dalka

By xuseen waashitoon

November 20, 2021

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyay abaarta ka jirta Soomaaliya oo saameyn xoog leh ku yeelatay dadka iyo duunyada, sidoo kalena abaarta ay ku le’deen xoolo farabadan.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gargaarka Xukuumadda iyo Qaramada Midoobey ayaa waxaa lagu sheegay inay ka walaacsan yihiin abaaraha sida xowliga uga sii darayo eek a jira dalka, iyagoona sheegay in Saadaasha Cilimada ay muujineyso in Somalia ay qarka u saaran tahay inuu baaqdo xili roobaadkii afaraad oo xiriir ah.

Dowladda ayaa sheegtay in qiyaastii 2.3 Milyan oo ruux ay saameyn ku yeelatay abaarta darran ee ka jirta Gobolada dalka iyo biyo la’aanta baahsan, isla markaana dadkaas ay halakeeyeen Biyo la’aan, Cunto yari iyo deeq la’aan, ayna ka gurreen Ceelashii biyaha.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Xukuumadda Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa xustay inay aad xaaladda u xun tahay, iyadoona tilmaamtay inay kummanaan qoys ay lumiyeen xaaladdooda oo ah Isha ugu muhiimsan ee Nolosha, lagana casbi qabo inay gaajo u dhintaan bilaha soo socda .