Kigali ( HM ) Dowladda Rwanda iyo Qaramada Midoobey ayaa isku raacay in ay dowladda Kigali la wareegto Maxaabiista Tahriibayaasha ah ee ku jira Xabsiyada dalka Liibiya.
Heshiis ay kala saxiixdeen Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga iyo Dowladda Rwanda ayaa waxaa ay isku raaceen in todobaadyada soo socda 500 Qof oo ku jira Xabsiyada Liibiya la dejiyo dalka Rwanda.
Tarhiibayaashan ayaa u kala dhashay dalalka Somalia, Eritrea iyo Sudan,waxaana ay u badanyihiin dadka nugul sida Carruurta,Haweenka iyo dhallinyarada.
Germaine Kamayirese,oo ah Wasiirka Wasaaradda arrimaha Qaxootiga ee dowladda Rwanda ayaa beenisay in qaabilaadda Qaxootiga ay lacag kaga heleen Qaramada Midoobey.
Wasiiradda waxaa ay sheegtay in ficilka Rwanda uu yahay kaliya mid bani’adamnimo iyo Afrikaannimo waxaana ay meesha ka saartay in ay lacag ku heshay dowladdeeda.
Qaramada Midoobey ayaa Bishii july ee sanadkan ku dhawaaqday in la xiro dhamaan Xabsiyada Liibiya oo ay sheegtay in aysan u qalmin meel bani’adam ku noolaado.
Sidoo kale waxaa jirtay isla xilligaas in dhinacyada ku dagaallamaya Liibiya ay beegsadeen Xabsiyo ay ku jireen Tahriibayaasha halkaas oo ay ku dhinteen dad ka badan 50 Qof.