WARARKA SOOMAALI

Dowladda oo War kasoo saartay dhimashada Guddoomiyihii AS ee G/Banaadir

By xuseen waashitoon

November 25, 2022

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa War kasoo saartay geerida ay Al-shabaab shaacisay inay ku timid Maxamed Xasan Cumar Abuu Cabdiraxmaan oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Al-shabaab u qaabilsanaa Gobolka Banaadir.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa waxaa lagu sheegay in Abuu Cabdiraxmaan uu u geeriyooday dhaawac halis ah oo kasoo gaaray howlgal Ciidanka dowladda ka fuliyeen halka ay iska galaan Shabeellaha Dhexe iyo Hoose.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa tilmaamtay in Al-shabaab ay dhaawaca Maxamed Xasan Cumar Abuu Cabdiraxmaan geeyeen magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo ugu danbeyn ku dhintay, iyadoona Shabaabka sheegeen inuu Cumar u dhintay xanuun haayay.

“Waxa Khawaarijtu ay dhaawiciisa geeyeen magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo uu ugu geeryooday daryeel’aan caafimaad iyo dhaawaciisa oo halis ahaa,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda Federaalka.

Ka sokow inuu soo noqday waaliga Al-Shabaab ee gobolka Banaadir, dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in Abuu Cabdiraxmaan uu madax kasoo noqday “qaybta marin habaabinta dhalinyarada isaga oo mas’uul ka ahaa maskax doorinta dhalinyaro farabadan.